Boqolaal Qaxooti ah oo dib loogu soo celiyay Somalia

Image
Image

DHADHAAB, Kenya- Hay'adda QM u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa dib ugu soo celisay Somalia boqolaal qaxooti ah, oo ku noolaa Xerada Dhadhaab ee dalka Kenya.

Sarkaal katirsan Hay'adaha Maxalliga ah ee ka howlgala Dhadhaab ayaa u sheegay mid kamid ah warbaaghinta gudaha Somalia in Xeradaas saaka kasoo tageen  8 Bus iyo Hal Diyaarad oo ay la socdaan 680 qof oo Qaxooti ah, kuwaasoo kusoo wajahan magaalooyinka Muqdisho iyo Dhoobley.

Dadka soo laabanayo ayaa loo diyaariyay goobo ay si KMG ah u degaan, oo Hay'adda UNHCR wax ku siinayso, inta laga soo celinayo amniga gobollada ay kasoo jeedaan Qaxootigaas.

Dib usoo celinta Qaxootiga Dhadhaab ayaa kusoo beegmaysa xilli dalka ay ka jirto abaar baahsan, oo saameyn ballaaran ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Xogyahaha Guud ee QM Antonio Gutters oo maanta soo gaarey magaalada Muqdishu ayaa ku baaqay in Gurmad deg deg ah lala soo gaaro 5.5 Million oo Soomaali ah abaartu saamaysay.

Antonio Guterres ayaa ka dalbaday caalamka dhaqaalo gaarayo $825 Million oo Dollar si looga hortago macluul ka dhalata abaarta, taasi oo khatar gelin karta nolosho malaayiin shacab ah oo hadda la il-daran gaajo iyo nafaqo darro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM