Boqollaal ka tirsan ciidamada Itoobiya oo Baardheere ku wajahan

Image

July 9, 2015 (GO)- Boqollaal ka tirsan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa ku wajahan degmada Baardheere, halkaas oo xiligan kooxda Al-shabab ka arrimiso.

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya ku daraya in ciidamadan oo tiradoodu gaarayso 3,000 oo askari ay wataan hub culus iyo gaadiidka dagaal oo taangiyo iyo beebbeyaal u badan, waxayna arrintani kusoo aadeysaa todobaad kadib markii Al-shabab qabsatay deegaano dhowr ah.

Dhowaan ayey ahayd markii saraakiil ka tirsan dowladda Somalia iyo maamulka Jubbaland u sheegeen warbaahinta in ciidamadaasi ka qayb qaadan doonaan hawlgal ballaaran oo Al-shabaab looga sifeynayo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Dowladda Itoobiya ayaa horay u sheegtay inay ciidamo dheeraad ah u soo dirayso Somalia si ay u bedelaan kuwii ka socday dalka Sierra Leone ee ka baxay Somalia, kaddib markii dalkoodu uu ka dillaacay cudurka halista ah ee Ebola.

Ciidamada AMISOM ayaa maalmihii u dambeeyey dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadey gobollada Bay, Bakool iyo Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay bannaanbaxyo toddobaadle ah ilaa Xasan Sheekh ka baxayo Villa Somalia

Dowladda federaalka ayaa si adag u diidday sheegashada mucaaradka ee ah in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaaday.

  • Soomaliya

    20-05-2026

  • 07:47AM

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM