Boqor Buurmadow oo ka 'qoomameeyay' hadal uu ku taageeray Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Boqor Buurmadow, oo kamid ah hogaamiyeyaasha dhaqanka Somaliland, ayaa raali-gelin deg deg ah ka bixiyay hadal uu ka jeediyay Muqdisho, oo uu taageero ugu muujiyay Al-Shabaab.

Muuqaalk uu soo duubey Maanta ayuu Boqor Buurmadow ku muujiyay sida uu uga xun yahay, ugana qoomameeyay hadalkiisa ahaa in Soomaaliya ay ka jirto labo dowladood oo kala ah Al-Shabaab iyo dowladda Federaalka.

Sidoo kale, Buurmadow ayaa naxariista alle u rajeeyay Axmed Godane, hogaamiyihii Al-Shabaab ee Mareykanka duqeynta ku dilay Sep 2014 duleedka degmada Baraawe, ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo ay isku reer kasoo jeedaan.

"Raalli-gelin buuxda ayaan bixinayaa, kaftan beeleed ayuu hadalkeyga ahaa, Shabaabna dowlad uma aqaan mana aaminsani fikirkooda," ayuu yiri Buurmadow, isagoo sidoo kale iska fogeeyay inuu taageersan yahay fekerka Kooxda.

Hadalka Buurmadow wuxuu gilgiley Muqdisho, oo dadkii sida aadka ah usoo dhaweeyay quluubtooda dhaawacay, iyagoo ku noqotay wax lama filaan ah inay marti-soor heerkeedu sareeyo u sameeyeen nin aaminsan fekerka Al-Shabaab.

Siyaasiyiin iyo mas'uuliyiin kala duwan oo katirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa falcelin ka bixiyay hadalka Buurmadow, iyagoo ka dalbadey inuu si deg-deg ah uu raali-gelin buuxda uga bixiyo ama lasoo xiri doono.

Gudoomiyaha dhanka Amniga ee Gobolka Banaadir Cali Yare ayaa ku hanjabey in Buurmadow uu soo xirayo hadii uusan ka laaban hadalka.

Axmed Macalin Fiqi, wasiirkii hore ee amniga Galmudug, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in aan isku qalmin soo dhaweyntii shacabka Muqdisho u sameeyeen Buurmadow iyo hadalkiisa uu ku dhiiragelinayo Al-Shabaab oo dhibaato badan dadka ku nool Caasimadda kala kulmay.

"Boqor Buurmadow haddii uu ka samafalay dadkii Laascaanood sida aan wanaagsanayn looga soo tarxiilay, waxaa looga fadhiyaa in uu diyaariyo magdhowgii dadkii kumanaanka ahaa ee Godane iyo xarakadiisu ay laayeen! Boqorku hadalkaas waa inuu cudurdaar ka bixiyaa, iskumana qalanto sida loo maamuusay iyo boogaha uu damqiyey," ayuu yiri Fiqi.

Xiliga uu Buurmadow jeedinayay hadalka waxaa garbihiisa taagnaa Mas'uuliyiin kasoo jeeda Somaliland oo katirsan dowladda Federaalka, kuwaasoo ah maskaxdii ka dambeysay inuu Muqdisho yimaado.

Faysal Cali Waraabe, oo ah gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland ayaa difaacey hadalka Buurmadow ee sida aadka ah u taabtey reer Muqdisho iyo Soomaaliya inteeda kale, maadaama oday dhaqanka iyo nabada ka shaqeynayay inuu urur argagaxiso dhiirageliyay afkaartiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM