Boris Johnson oo booqasho ku tagay caasimadda dalka Ukraine

Image
Dowladda Ingiriiska waxay sheegtay in Ukraine ay si degdeg ah usiin doonto 120 gaadiid gaashaaman ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Socdaal aan horay loosii qorshayn ayuu mas'uulka ugu sarreeya dowladda Ingiriiska ku tagay dalka ay dagaalladu daashadeen ee Ukraine.

Boris Johnson iyo qaar kamid ah kaaliyaashiisa ayaa booqday magaalada caasimadda ah ee Kyiv maalmo kadib markii laga saaray ciidamada Melleteriga Ruushka.




Dowladda Ingiriiska waxay sheegtay in Ukraine ay si degdeg ah usiin doonto 120 gaadiid gaashaaman ah iyo saanado melleteri si ay isaga difaacdo duullaanka Ruushka.



Xafiiska Boris ayaa warbixin uu soo saaray waxuu ku sheegay in ay bixin doonaan aduun lacageed oo gaaraya $130 milyan taasi oo xukuumada Kyiv ka caawin doonta dagaalka ay kula jiraan ciidamada Ruushka.

Johnson ayaa sidoo kale sheegay in uu Ukraine siin doono nidaamka cirka iyo kuwa badda, iyadoo hubkan ay ka mid yihiin sawaariikhda lagula dagaalamo maraakiibta dagaalka.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa si diirran usoo dhoweeyay yabooha uga yimid dowladda Ingiriiska wuxuuna si gaar ah ubogaadiyay 800 oo ah sawaariikhda lagula dagaallamo dabaabaadka oo ay dowladda Ingiriiska ballanqaaday.



Boris Johnson ayaa noqonaya masuulkii ugu sarreeyay oo ka mid wadamada reer galbeedka oo taga dalka Ukraine tan iyo markii uu bilawday duullaanka Ruushka.

Waxaa xusid mudan in markasta Boqortooyada Ingiriiska ay go’need in ay taageero afka dhaafsiisan u muujiyaan dowladda Ukraine isagoo madaxweynaha dalkaas, Volodymyr Zelenskyy uu horaan u sheegay in uu markasta jeclaa in uu caawiyo dadka reer Ukraine, isagoo siinaya kaalmo milatari iyo mid dhaqaale intaba.

Boris Johnson ayaa u jeexay hogaamiyeyaasha kale ee reer galbeedka jid ay ku dhiiran karaan, iyadoo la filayo in ay kusoo biiri doonaan ballanqaadka loo sameynayo dalka ay dagaaladda ka socdaan ee Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM