Britain oo baaq kasoo saartey xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

Image

LONDON, UK – Hogaamiyeyaasha Soomaaliya waa in ay furaan saaxada siyaasadda ayna ogolaadaan aragtiyaha kala duwan kahor doorashooyinka 2020-21, sidda ay soo jeedisay boqortooyadda waddanka Ingiriiska.

James Roscoe, diblumaasi ka tirsan howlgalka Britain ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa oo ka hadlay fadhi Golaha Ammaanka ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, ayaa ku taliyey in coddeynta noqoto mid daahfuran.

"Iyaddoo Soomaaliya isku diyaarineyso in ay guda gasho geedi u socod doorashooyin, hogaamiyeyaasha Soomaaliya waxaa waajib ku ah in ay furaan saxaada siyaasadda ayna ogolaadaan in la cabiro fekrado kala duwan," ayuu ku nuux-nuuxsaday diblumaasiga.

Madaxda Soomaaliya ayuu ku tartarsiiyey in ay ka shaqeeyaan sidii ammaanka u noqon lahaa mid aan faraha ka bixin inta lagu guda jiro doorashooyinka si looga hortago weeraro ka yimaadda maleyshiyada Al-Shabaab.

Mr Roscoe ayaa hoosta ka xariiqay "in ay mudan tahay in wax badan laga walaaco" weerarada sii koraya ee argagixisada ku beegsaneyso kooxaha samafalka iyo waxyeelada kasoo gaareysa dad shacabka ah.

"Isku-duubni caalami ah waxay muhiim u tahay in Soomaaliya looga taageero wax ka qabashada dhibaatooyinka bini'aadanimada," ayuu ku daray.

Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ergayga Qaramada Midoobay u jooga Muqdisho, James Swan iyo wakiilka Midowga Afrika ahna madaxa howlgalka AMISOM, Francisco Medirea ayaa kasoo muuqdey fadhiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM