Britain: Shaqsi ka tegay Soomaaliya oo xukun lagu riday

Image

LONDON, UK – Maxkamad ku taala magaalada Birmingham ee waddanka Ingiriiska ayaa £1,000 [kun] lacagta UK ah una dhiganta $1,400 doolar waxay ku xukuntay Bishaar Fidin, oo ah 34-jir kasoo laabtey dalka Soomaaliya.

Sidda ay warisay majaladda Metro, Mr Fidin ayaa lagu helay dambi ah in uu jebiyey shuruucda xakameynta safmareenka Covid-19 gaar ahaan kuwa xeerinaya in qofka uu is-karantiilo marka socdaal dibada ka yimaado.

Jariiradda ayaa intaas ku dartay in Fidin uu booqdey guriga walaashii 23-kii September waxyar kadib markii uu Soomaaliya ka yimid. Xukunka ganaaxa ah wuxuu dhacay Khamiista todobaadkii aynu kasoo gudubnay.

"Soomaaliya lama soo saarin shuruuc lagu xakameynayo Coronavirus waqtigii qaboobaha. Xilligaa fal-dambiyeedka uu ku kacay [Fidin], maalmaha korantiilka fasaxa waxay ahaayeen 14 maalmood," ayay warbixintu xustey.

Fidin ayaa, sidda ku cad warbixinta, wuxuu xirtay in uu u hogaan-sami waayey Xeerka Badqabka Caafimaad ee Coronavirus gaar ahaan socdaalada caalamiga ah kaasoo dowladda Ingiriiska ay soo rogtay sanadkii hore 2020-kii.

Britain oo kamid ah wadamada kiisaska badan ee Covid-19 diiwaan-geliyay ayaa xudun u ah nooca cusub ee fayruska ee soo laba kacleeyay.

Tani ayaa dhabaha u xaartey in wadamo badan ay joojiyaan duulimaadyada kaga yimaada boqortooyadda Ingiriiska. Balse, Soomaaliya oo nidaamka caafimaadka uu jilicsan yahay kamid maahan wadamada xayiraadda soo rogay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM