Brundi oo laga jarayo lacag Somaliya ay ku qaadato

Image

NAIROBI, Kenya- Wadamada reer Yurub ee bixiya lacagaha lagu tageero amniga Somalia ayaa qorsheynaya iney ka jaraan lacag farabadan oo ay siin jireen ciidamada Nabad ilaalinta dalka Brundi kuwasoo kamid ah howlgalka AMSOM ee dalka Somalia.

Diplomaasiyiinta Yurub ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegey in lacagtaan aan dib dambe loo soo marin doonin dalka Brundi oo la hari jirey 20% taasoo u dhiganta 13 Milyan oo dollar.

Cadaadiskaan ayaa yimid kadib markii dad gaaraya 400 qof lagu diley dalkaas kuwasoo ka mudaharaadayey madaxweynaha dalka Brundi Pierre Nkurunziza oo mar 3aad isu soo taagey doorashada dalkaas.

Wadamada Kenya, Ethiopia, Djabouti, Brundi iyo Uganda ayaa waxaa ka jooga ciidamo la sheegey in Dowlada Somalia ka difaacaan Al-Shabaab kuwasoo lagu eedeeyo ineysan daacad ka aheyn in shacabka Somalia helo Nabad buuxda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM