​Bukhaari oo loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Aqalka Sare

Image

MUQDISHU, Somalia- Doorasho aad u adkayd oo ay ku tartameen murashaxiin dhowr ayaa islamarkaan gaartay ilaa saddex wareeg ayaa markii dambe waxay guushu raacday Musharax Abshir Mukhaari oo loo yaqaan Bukhaari.

Murashaxan ayaa helay codad gaaray 30, halka mudanaha kale ee wareegga saddexaad kula tartamay ee Axmed Cabdi Dhuxuloow uu helay 22 cod.

Guddiga qaban-qaabada doorashada Aqalka Sare, ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxaana la sheegay inuu yahay Guddomiyaha koowaad mudane Bukhaari oo kamid ahaa dhalinyaradii golahaas ku matalay maamulka Galmudug.

Waxaa hadda la aadayTukashada Salaada Duhur iyo Qado, waxaana la soo laaban doonaa 02:00 duhurnimo xilligaas oo bilaaban doonta Doorashada Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, oo ay ku tartamayaan ilaa 7 Musharax, kuwaas oo kala ah;Hodan Maxamuud Cusmaan.

Osmaan Axmed Maxcow

Iftiin Xasan Baasto

Fartuun Cabdulqaadir Faarax

Sacdiyo Xasan Cusmaan

Mowliid Xuseen Guuleed

Cabdikaafi Macalin Xasan.

Waa markii ugu horaysay taariikhda Somalia ka dhacdo doorashada guddoonka Aqalka sare oo hadda la yagleelay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM