Burcad madax-furasho ku sii daaysay ajaanib saarnayd markab laga leeyahay dalka Taiwan

Image

Kooxaha Burcad-badeed Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah sii daayay 26 Badmaaxiin, mudo 4 Sano ah ay ku haysteen Bariga gobolka Mudug, kadib markii la siiyay 3 Million oo Doolar oo Madax-furasho ah.

La haystayaasha lasoo daayay, ayaa waxay gaarayaan 26 kuwaasi oo u kala dhashay Dalalka China, Philippine, Vietnam, Cambodia, Bangladesh, Sri Lanka, India iyo Indonesia.

Dadkan ayaa la socday Markab lagu magacaabi Nihaam 3, kaasi oo kasoo  shareecaday Dalka Oman, sanadkii 2012, waxaana lagu afduubay Xeebta wadanka Soomaaliya.

Markabka Kalluumaysiga Naham 3, ayaa waxaa laga leeyahay dalka Taiwan. 

Saddex kamid La-haystiyaasha ayaa ku dhimatay gacanta Bur-badeeda Soomaalida.

Lacagta lagu sii daayay dadkan ayaa waxay ka timid dowladaha ay u dhasheen iyo Qoysaskooda, waxaana loo duuliyay dalka Kenya, oo ay uga sii gudbi doonaan dalalkooda.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda Somalia, taasoo ku aadan dadkan maanta la sii daayay.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay jiraan maraakiib wali ku sugan Biyaha Somalia, kuwaasoo ay gacanta ku hayaan Burcad Somalia ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM