C/llaahi Maxamed Nuur oo loo magacaabay wasiirka amniga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha. Wuxuu bedelayaa Xasan Xundubey Jimcaale.

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay," ayuu yiri xafiiska Rooble.

Sida laga soo xigtay wareegtada, Rooble ayaa talaabadan qaadey "isaga oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka, tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS".

Waajibaadka hortaala xukuumada xilgaarsiinta waa in waddanka ay ka qabato doorashooyinka heer federaal. Ammaanka waa mid kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaala coddeyntan isha lagu hayo.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaa xubnaha Golaha Shacabka. Sidoo kale, wuxuu mucaarad weyn ku ahaa dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ee waqtigeedu dhamaadey.

Nuur oo dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ka ahaa wasiiru-dowlaha wasaaradda maaliyada ayay u badan tahay in uu mar kale u tartamo xubinimada Aqalka Hoose. Degaan doorashadiisu waa Jowhar.

Sidoo kale, waa mulkiilaha Hotel-ka ku yaala xeebta Liido ee Muqdisho. Wuxuu caan ku yahay kalmada "30-jir 30 milyan haysta" taasoo uu ku sheegay wareysi uu siiyey Telefishinka maxaliga ah ee Universal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM