Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo sharaxay khilaafka kala dhaxeeya Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Aqalka Sare ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa si rasmi ah u shaaciyey in uu khilaaf dastuuri ah kala dhaxeeyo madaxweynaha waqtiga ka dhacayo, Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wallow uu ka gaabsaday in uu dadweynaha la wadaago fahfaahinta oo dhameystiran, Xaashi oo u waramay SMN ayaa tibaaxay in Farmaajo ay isku hayaan qodobo uu Axdiga Qaran uu qeexayo qaabka loo fulinayo.

"Walaalo saddex sano ayay soo socotay. Wax badan oo fara badan oo siyaasad ah oo aan heshiis ku ahayn baa jiri karta," ayuu hadalkiisa u dhigay.

Wadahadalo, is-afgarasho, tanaasul iyo isu-garaabid ayuu ku tilmaamay qaabka loosoo afjari karo is-mari-waaga taagan, isagoo ka digay isku-koobida go'aanada masiiriga ah kuna baaqay nabad iyo midnimo guud ahaan wadanka.

Dhawaqa Xaashi ayaa kusoo hagaagay saacado kadib markii qoraal xafiiskiisa kasoo baxay uu kaga soo horjeestay in dowladda federaalka ay "ku farageliso" soo xulista sharci-dejiyeyaasha siyaasada Soomaaliya ku metalaya waqoyga.

Mudanaha oo fahfaahiyey qoraalkiisa isla markaana caddeeyay in uu diyaar u yahay lakulanka cid walba oo qoonsatay warqadaas ayaa ka shanqariyey in aan lagula macaamilin si gaar ah oo ay la siman yihiin maamulada kale.

"Dowladda waxay tiri gobolada waqooyi ee Somaliland xubnaha kasoo gelaya guddiyada waxaa magacaabaya oo sameynaya xukuumadda federaalka; xukuumadda federaalka waxaan ula siman nahay dowlad goboleedyadda kuwaa haddeynan u dhiseyn oo aaney faragelineyn annaga maxay noo faragelin? Annagu midnimaan u joognaa, midnimo hadaan u jooganana macnaheedu maahan sidii la doonan la idinka yeelayaa," ayuu carabka ku adkeeyay gudoomiyaha.

Senatorka ayaa intaas ku daray: "Guddiga heerka federaal waa 11 xubnood oo saddex kamid ah dowladda dhexe leedahay; Guddiga khilaafaadkana waxaan ku leenahay laba. Dhamaantooda in aan soo magacaabanaa dooneynaa".

"Laakiin, dad aan mas'uuliyad qaadi karin oo ciyaal yar-yaaroo lasoo uruuriyo oo kaliya cod laga doonayo waaye waxaan diidanahay," ayuu ku daray.

Villa Soomaaliya ayaa in ay saameyn ku yeelato hanaanka soo xulista wakiilada Somaliland ugu hanqaltaageysa si ay u soo saarato xubno taabacsan kuwaasoo codadkooda ugu shuba Farmaajo marka la gaaro sideeda Febraayo.

Hoos ka dhageyso wareysiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM