Cabdikariin Guuleed oo si adag u dhaleeceeyay dowladda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dayacdey amniga guud ee dalka si gaar ah kan caasimadda kuna mashquushay siyaasada iyo doorashooyinka, sidda uu sheegay musharax madaxweyne.

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook ayaa rumeysan in weeraradii ugu dambeeyay ee kooxaha argagixisada fuliyeen ay yihiin cawaaqib ka dhashay dayacaadda xukuumada dhexe.

Madaxda dowladda ayuu cod dheer ugu baaqay "in ay shaqadooda dib ugu soo celiyaan saraakiisha si ay uga hortagaan dhibaatooyinka [nabad-gelyo xumada] joogtada ah ee ka socda Muqdisho iyo qeybo ka mid ah dalka".

Hoos ka akhriso qoraalka musharaxa

Waxaa muuqata in Dowladda Federaalka ah ay si buuxda u dayacday amnigii guud ee dalka gaar ahaan midkii caasimadda bilihi lasoo dhaafay, taas oo sababtay iney si weyn usoo xoogeystaan falalka kooxaha argagixisadaha ah.

Waxaan ka tacsiyeynaya dhibaatooyinkii ka dhashay Qaraxyadii iyo weeraradii dalka ka dhacay labadii toddobaad ee lasoo dhaafay.

Markii madaxda iyo saraakiishii amnigu ku mashquulaan arrimaha siyaasadda iyo doorashada, waxa la filan karo waa iney cadowgu ka faa’iideystaan dayacaas jira. Dowladda Federaalka ah waxaan usoo jeedineynaa iney dib ugu celiso saarkiisha amniga shaqadooda si ay uga hortagaan dhibaatooyinka joogtada ah ee ka socda Muqdisho iyo qeybo ka mid ah dalka.

Waxaa lagu jiraa xilli doorasho. Waa waqti muhiim u ah dalka iyo dadka. Waxa suurtagal ah iney cadowgu maleegayaan dhibaatooyin waa weyn, oo u baahan in laga hortago, sidaa awgeed waa in gacana looga shaqeeya arrimaha doorashadda, gacanta kalana cadowga looga badbaadiya shacabka iyo masuuliyiinta.

Sidoo kale dadka reer Muqdisho waxaan ugu baaqaya iney si miir-qableh u wajahaan dhacdooyinka ku gadaaman arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan ammaanka.


Muqdisho iyo qeybo kamid ah dalka waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay ka dhacay falal liddi ku ah ammaanka oo ay qaarkood sheegatay Al-Shabaab laguna beegsaday dad shacab ah iyo mas'uuliyiin xil haya iyo kuwa horey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM