Janan oo la sheegay in uu ka goostay Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdirashiid Xasan Cabdinuur [Janan] ayaa la sheegay ka goostey Villa Soomaaliya shalay galab isla markaana uu ku sugan yahay gudaha magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wararbixno laga helayo dhinacyo kala duwan ayaa waxay tilmaamayaan in habeenimadii xalay ku hoydey guri kamid ah guryaha musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya u tartamaya.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in Janan ku wajahan yahay gobolka Gedo halkaas oo uu rabo inuu u tartamo xildhibaan Aqalka Hoose.

Janan iyo Farmaajo ayaa xogo lagu kalsoon yahay waxay xusayaan iney isku fahmi waayeen qodobo horey ay ugu heshiiyeen kuwaas oo  madaxweynaha xilku ka dhamaadey kaga baxey.

Wasiirkii hore ee ammaanka Jubaland oo muddo sadex goor ka badan u kala baxsdey Jubaland iyo Villa Soamaaliya ayaa loo haystaa inuu xadgudubyo dhinaca bini’aadanka ka gaystey gobolka Gedo.

Kahor inta uusan dhowaan dib ugu soo laaban magaalada caasimada ah ee Muqdisho, Janan ayaa lagu waramay in uu howla caafimaad u aadey dalka Turkiga halkaasoo uu ku sugnaa bilooyinkii lasoo dhaafay.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa horey ugu eedeyey Faarmajo inuu cafis u fidiyey shaqsi xadgudubyo dhinaca bini’aadnimada ah gaystey isla markaana uu baacsanayo saraakiil ciidan kale oo aan waxba geysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM