Cabdirashiid Janan: Gedo waxaan ka bilaabaynaa Macawiisley

Image
Safarkan ayaa imaanaya xilli shaki weyn laga muujiyey caafimaad-qabka xiriirka Federaalka iyo Jubaland.

KISMAAYO, Jubaland - Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirishiid Janan oo muddo kadib ku laabtay gobolka Gedo ayaa sheegay in uu halkaasi u tagay in uu fuliyo baaqii madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in lala dagaalamo Al-Shabaab, lana abaabulo shacabka.

Janan ayaa gaaray magaalada Dooloow, wuxuuna qeyb ka ahaa wafti uu hoggaaminayay Senator Jeneraal Cabdullaahi Fartaag, kuwaas oo markiiba heshiis la gaaray maamulka gobolka Gedo ee uu hoggaaminayo Axmed Buule Gareet.

Waraysi uu bixiyay ayuu caddeeyay in isaga iyo madaxda kale ee Gedo ay muddo 10 sano ka hor ah ay Al-Shabaab ka xoreeyeen degmooyinka Gedo iyada oo ay haystaan inta badan dalka, haddane ay nasiib daro tahay in qeybo ka mid ah gobolka ay sii joogaan kooxdani xilli dalka intiisa kale dagaalo lagaga saaray.

Qorshahooda ayuu ku tilmaamay in Al-Shabaab ka saaraan magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe, isaga oo beeniyay in ay leeyihiin wax ajande siyaasadeed oo aanan ahayn in Alshabaab lala dagaalamo.

Wafdiga gaaray Gedo ayaa gobolka kasoo galay dhanka Kenya kadib markii dhawr jeer ay u suurtagali weysay in ay kasoo galaan dhanka Muqdisho oo laga celiyay.

Dhanka kale, hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka NISA ayaa mas’uul cusub usoo magacoowday booskii uu ka baxay Col Bakaal Kooke oo lagu diley qarax loo dhigay inta u dhaxaysa Dooloow iyo Luuq. Taliyaha cusub waxaa lagu magacaabaa Sareeye Guuto Axmed Xasan Sare

Lama oga halka dhaqdhaqaaqan cusub ee siyaasadeed ay dhigi doonto xaaladda cakiran ee ka dhaxaysa maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe iyo Siyaasiyiinta Gedo ee isaga kasoo horjeeda, iyada aanan sidoo kale la ogeyn dhinaca ay la safantahay dowladda federaalka.

Waxaa jira shaki xooggan oo laga muujinayo caafimaad-qabka xiriirka federaalka iyo Jubbaland, iyada oo Jubbaland ay tahay meesha kaliya ee uusan booqan madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo intii lasoo doortay 7 bilood ka hor, halka dowlad goboleedyada qaar uu dhawr jeer booqasho ku tagay mid kasta.

Wasiir Janan ayaa waraysiyada uu bixiyay ku celceliyay in ay ka jawaabayaan baaqii madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo sii xoojinaysa shakiga jira ee xiriirka Federaalka iyo Jubbaland, iyada oo Janan uu hormuud ka yahay dadka kasoo horjeeda maamulka Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in la jabsaday xogta E-Visa, Go'aan cusubna soo saartay

Afhayeen u hadlay HSJ ayaa sheegay in dowladda federaalku ay durbaba magacaawday guddi gaar ah oo isugu jira hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 03:28PM

Sirdoonka Ajnabiga oo ka Cararay Muqdisho Kadib Jabsi Xogeed oo lagu Sameeyay Nidaamka E-VISA

Dhacdadan ayaa ka dhalatay xumaan xiriirka ka dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 12:53PM