Cagjar oo taageeray go'aanka wasiirada Soomaaliya ee ONLF

Image
Madaxweynaha Somali State ayaa gacan-gelintii Qalbi-dhagax wuxuu ku qeexay "ficil argagax lahaa".

JIGJIGA, Somali State - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ee ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa "si weyn" wuxuu u soo dhaweeyay go'aanka ay Soomaaliya liiska argagixisada uga saartey ONLF.

Mustaf Muxumad Cagjar oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa sidoo kale wuxuu bogaadiyey talaabada "sharci darrada" loogu aqoonsadey gacan-gelintii "halgamaa" Qalbi-dhagax.

Sida laga soo xigtey Cagjar oo xiriir dhow la leh maamulka Farmaajo ee waqtigu ka dhamaadey, go'aankan wuxuu bilow u yahay "dabar-goynta taariikh madow oo ur-ku-taalo leh".

"Waxaan si wayn u soo dhawaynayaa go’aanka Golaha Fulinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku buriyeen go’aan hore oo ururka ONLF loogu aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso ah, gacan cadawna lagu galiyay halgamaa Abdikarim Sheikh Muuse (Qalbidhagax)," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Go’aankaas hore wuxuu ahaa ficil argagax galiyay shacabkii dulmanaa ee Deegaanka Soomaalida, xad-gudubna ku ahaa dhaqanka dawladnimo, ka Soomaalinimo iyo ka islaanimaba".

"Waxaa kale oo aan dhaleeceeynaynaa ficiladii lamidka ahaa ee Deegaano kale oo Soomaaliyeed cadaw ugu soo gacan-geliyeen halgamayaal Soomaaliyeed oo diidaanaa tacadigii lagu hayay dadkooda," ayuu xusay.

Cagjar ayaa kusoo xiray: "Waxaan rajaynayaa in taariikhdaas madow ee uur-ku-taaladda leh, xiligii ay dhacaysayna aan dhaleeceeynay, cashir iyo cibro-qaadasho u noqoto cid walba oo xadgudbkaas samaysay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM