​Caleemo-saarka Ugaas Xasan oo kasocda Baladweyne

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BALADWEYNE, Hiiraan- Magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan waxaa haatan kasocda caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo badali doona walaalkii oo dhawaan ku geeriyooday degmadaasi.

Caano-shubka Ugaaska, waxaa kasoo qayb galay Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Barlamanka Somalia, Xildhibaano, wasiirro, duubabka dhaqanka iyo qaybaha kala duwan bulshada ku dhaqan gobolkaasi.

Goobta xaladdu ka dhacayso ayaa lagusoo bandhigay waxyaabaha hiddaha iyo dhaqanka Somalidu u leedahay iyadoo kooxo fardoolay ah dabaal dag sameeyeen.

Khudbado kala duwan ayaa lagu wadaa inay ka jeediyaan mas'uuliyiinta kasoo qaybgashay, waxaana laga yaabaa inay ka hadlaana arrimo ku aadan gobolka inkastoo munaasabaddu tahay mid dhaqan.

Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa diidan inay maamul la samaystaan gobolka Shabeellaha dhexe, waxayna ku dhawaaqeen inay samaysan doonaan maamul u gooni ah caleema saarka Ugaaska kadib.

GAROWEONLINE

Related Articles

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM