Cali Guudlaawe oo noqday Madaxweyne ku-xigeenka Hir-Shabeelle
JOWHAR, Somalia- Guddoomiyihii gobolka Shabeellaha dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), ayaa loo doortay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle kaasi oo tartan la galay murashaxa lagu magacaabo Cali Xasan Taakow.
Codayn ay sameeyeen Barlamanka maamulkaasi ayuu ku helay codad gaaraya 87 cod, halka ninka la tartamay ee Taakow helay 10 cod.
Guddoomiyaha Barlamanka maamulkaas ayaa ku dhawaaqay natiijada, wuxuuna sheegay inay codeeyeen 97 mudane.
Taakow oo laga guulaystay ayaa sheegay ayaa sheegay inuu ku qancay doorashada, wuxuuse si xeeladaysan uga hadlay sababta loo guulaystay isagoo cadeeyay in mudanayaasha Barlamanka la siiyay lacag, halka isagu xusay inuusan bixin ee doonayay inuu hubiyo damiirka Xildhibaanada.
Wuxuu sheeegay inuu la shaqayn doono mas'uuliyiinta Barlamanku u codeeyeen, wuxuuna xusay in loo baahanyahay sidii hormarin maamulka Cusub iyo gobollada uu ka talin doono.
Xafladdii doorashada ayaa sidaas kusoo dhammaatay, waxana hambalyo kala duwan diray mas'uuliyiin kasocotay dowladda Federalka iyo maamulka Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay doorashada labada mas'uul ee maamulkaas ugu sareeya, wuxuuna hambalyo u diray shacabka maamulka Hir-Shabeelle.
Guuleed, ayaa xusay inuu ahaa madi meel taagan, isagoo ku maah-maamahay, "Walaalnimo macaankay leedahay, ninkii madi ah ayaa og".
Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federalka Somalia, Cabdiraxmaan Odowaa, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay dadaal dheer kadib in la helay maamul lagu magacaabo Hir-Shabeelle, wuxuuna labada mas'uul ee maanta la doortay ugu baaqay inay dhakhso u guda galaan magacaabista xubnaha Aqalka Sare.
Maalinta barri ah, ayaa lagu wadaa in lagu caleemo saaro magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe iyadoo la filayo inuu kasoo qayb galo madaxweynaha Somali Xasan Sheekh Maxamud.
GAROWEONLINE