Cali Khaliif iyo Somaliland oo wada hadal u socdo
Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Gallayr ayaa ka hadlay wadahadal u socda maamulkiisa iyo xukuumadda Somaliland kaasoo looga hadlayo arrimo ku aadan gobollada maamulkaasi uu sheegto.
Gallayr ayaa sheegay in wada-xaajoodkan uu yahay mid looga dan leeyahay sidii labada dhinac nabad ugu wada noolaan lahaayeen islamarkaana meesha uga bixi lahayd colaadaha iyo khilaafka soo jiitamayay mudada dheer, wuxuuna intaasi ku daray in arrinku meel wanaagsan marayo.
Mudane Gallayr ayaa sidoo kale xusay in maamulka Somaliland aysan ahayn markii ugu horraysay ee ay wada hadlaan.
Mar uu ka hadlayay xaaladda dalka Somalia, wuxuu sheegay in dhibaatada ka taagan magaalada Muqdishu aysan ahayn mid kooban iyaga kaliya ee dalka oo dhan saamaynayso, isagoo xusay inuu u taaganyahay sidii dalka looga saari lahaa dhibka uu ku jiro, wuxuuna intaasi ku daray inuu yahay xubin katirsan Barlamanka Somalia.
Cali Khaliif ayaa soo hadal qaaday inuu wada-xaajoodka xiga la furi doono maamulka Puntland islamarkaana kawada hadli doonaan sidii dadka gobolladaasi daga nabad ugu noolaan lahaayeen taasoo uu carrabka ku dhuftay inay tahay maslaxadda usoo hoyan doonta dadka dega Afrikada Bari.
Dhinaca kale saraakiisha ciidamo ku sugan degmada Buuhoodle oo iskood isu maamula ayaa qorshaha Cali Khaliif kasoo horjeestay, waxayna tilmaameen inuu ka bixi doono magaalada isaga iyo maamulkiisa maadaama sida ay hadalka u dhigeen raali ka ahayn hishiis lala galo maamulka Somaliland.
Hadalkan ayaa yimi xilli wasiirro katirsan maamulkiisa iyo mas'uuliyiin kasocotay Somaliland kuwada hadleen magaalada Caynaba ee gobolka Sool, kuwaasoo shirkooda diiradda ku saaray arrinta gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Waxaa kulan lagusoo beegay muddo yar kadib markii wasiirro katirsan maamulka Somaliland shirar u qabteen waxagaradka gobolada Sool iyo Sanaag Degaanka Awr-boogeys kasoo lagaga hadlay sidii beelahaas qayb uga noqon lahayeen maanulkaas.
Arrinta heshiiska waxaa diiday oo kasoo horjeestay Garaad Saleebaan inkastoo uusan caddayn islamarkaana ka hadlin mowqifkiisa ku aadan kamid ahaanshaha beeshiisa ee Puntland.
Xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas wali kama aysan hadlin isnadalada siyaasadeed ee Ka socda gobolada Sool Iyo Sanaag.
Waxaa Dhinaca kale aamusan siyaasiyiinta xilalka ka haysa Puntland kuwasoo xilal sare ka haya maamulkaas.
Deegaanadan Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa intii lagu guda jirey burburka Somaliga waxaa ka jirey kala qaybsanaan siyaasdeed taasoo sameyn ku yeelatey hurumarka goboladaas.
GAROWEONLINE