Cambaareyn iyo caro caalami ah oo ka dhashay xariga Cabdalla

Image
Xoghayaha ururka u dooda xuquuqda wariyeyaasha ee SJS ayaa la filayaa in mar labaad lasoo taago maxkamad Axada todobaadkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Human Rights Watch oo ugu baaqdey dowladda federaalka Soomaaliya in ay degdeg usii dayso wariye Cabdalla Axmed Muumin ayaa sheegtay in xarigiisa uu salka hayo "arrimo siyaasadeed".

Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya oo qoraal ku daabacdey ciwaanka ay ku leeyihiin Twitter-k


a ayaa sheegtay in ay si xooggan u cambaareynayso xarigga Cabdalla Axmed Muumin, xoghayihii ururka u dooda xuquuqda saxafiyiinta ee SJS.

Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya oo walwal ka muujisay xarigga Cabdalla Muumin ayaa ugu baaqdey dowladda Soomaaliya in ay kiiskiisa ay u qaado si daahfuran.

Dhanka kale, safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto xariga xoghayaha ururka u dooda xuquuqda wariyeyaasha Soomaaliyeed ee SJS.

Wariye Cabdalla Axmed Muumin ayaa Khamiista asbuucii hore lasoo taagay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Qareenadiisa ayaa sheegay in lagu eedeeyay "jabinta" xeer ay soo saartey Wasaaradda Warfaafinta iyo baahinta "muuqaal sir ah".

Todobaadkan maanta bilowday gaar ahaan Axadda berri ah ayaa loo balamay in mar kale la dhageysto kiiska xoghayaha ururka SJS iyadda oo xeer-ilaalinta laga sugaayo caddeynta eedeymaha looso jeediyay saxafiga madaxa banaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM

DP World: "Xiisadda Soomaaliya iyo Imaaraadka ma saameyn doonto shaqada dekedda Berbera"

Xaaladdan ayaa timid ka dib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay gebi ahaanba xiriirkii iskaashiga u jartay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 01:37PM