Carabeey: Xaaf ma xiri karo Garoonka Cadaado [Akhrio]

Image

CADAADO, Soomaaliya - Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey, ayaa soo saarey War Saxaafadeed cusub, oo uga hor-yimid Amarkii saaka kasoo baxay Madaxweyne Xaaf.

Carabeey ayaa sheegay inaysan xirneyn Duulimaadyada ku socda Deegaanada Galmudug, isagoo ku wargeliyay Diyaaradaha gaarka loo leeyahay ee ka yimaada Muqdisho inay ka dagi karaan Cadaado.

War Saxaafadeedka ayaa lagu amaray Hay'adaha amniga inay u hogaansamaan amarkiisa, islamarkaana ay sugaan amniga Madaxda qaranka ee ka socda dowladda Federaalka ee imaanaysa magaalada.

Hadalka Carabeey, ayaa jawaab waxa uu u yahay amar kasoo baxay Madaxweyne Xaaf, kaasi oo Diyaaradaha ka kasoo duula Caasimadda, marka laga reebo kuwa Hay'adaha Gargaarka iyo AMISOM.

Amarradan iska soo horjeeda ee kasoo baxaya Madaxda sare ee Galmudug, ayaa muujinaya heerka uu gaarey Khilaafka maamulkaasi ka taagan, kaasi oo ka dhashay go'aankii Xaaf uu ku taageeray Xulufada Sacuudiga.

Lama oga labadan amar midka ka dhaqan-geli doono Garoonka Diyaaradaha Cadaado.

Hoos akhriso War Saxaafadeedka;

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM