Caruur sun ugu geeriyootay magalada Muqdishu

Image

19 November, 2015(GO)-Afar caruur wada dhashay ayaa geeriyooday ka dib sunta xoolaha oo aabahood mariyay jirkooda si aan ku tala gal ahayn.

Caruunta dhimatay ayaa la sheegay inay ka soo baxeen nabaro cun cun leh, sidaa darteed abaaha dhalay u damcay inuu ku daweeyo suntaasi xoolaha la mariyo.

Caruurta ayaa sumoobey ka dib sunta la mariyay, waxaana loo qaaday cusbitalka ku yaalla magaalada Xamar.

Dadaal dhaqaatiirtu sameeyeen ka dib, afarta ilmood ayaa goobta ku naf baxay.

Dhinaca kale, waxaa cusbitalka oo ku yaalla degmada Carafaat ee magalada Muqdishu la keenay labo ilmood, kuwaasi oo ku sumoobay dawada xoolaha oo aabihii dhalay jirkooda mariyay, waxaana la sheegay in mid ka mid xaaladiisa ka soo raysay oo cusbitalka laga saaray halka kii kale weli ku jiro.

Inta badan dadka Somalida ayaa sameeya dawo dhaqameed ay radiyaan caafimaad, waxaase xusid mudan inay leeyihiin khatar taagan oo la mid ah mida dhacday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda oo kadib weerarkii Godka Jilicow oo ku dhawaaqday go'aan cusub

Wasiirka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay beddeshay xeeladooda weerarada kadib markii laga hortagay isticmaalka gaadiidka rayidka.

  • Soomaliya

    12-10-2025

  • 01:34PM

Kiiska Faragelinta Xasan Sheekh ee Gedo oo Jubaland gaarsiisay UN-ka

Xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Kismaayo ayaa aad u sii xoogeystay, iyadoo Kenya ay ku lug yeelatay dadaallo dhexdhexaadin ah.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 12:15PM