CC Shakuur oo Weerar afka ku qaaday Sirdoonka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiga mucaaradka ku ah maamulka Farmaajo, Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame, ayaa weerar dhanka afka ah ku qaadey Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Soomaaliya [NISA].

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in 8 Askari oo kamid ahaa Ciidamadii NISA ee fuliyay weerarkii lagu qaadey Hoyga uu ka degan yahay Muqdisho 17-kii bishii December 2017 ay u goosteen dhanka Al Shabaab.

"Xog aan ka helay NISA ayaa sheegaysa in 8 kamid ah Askartii fulisay weerarkii fashilmay ee Gurigayga Muqdisho sanadkii tagey inay dib ugu biireen Al-Shabaab oo markii ay ka yimaadeen," ayuu yiri CC Shakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku tilmaamay arintan inay caddeyn u tahay sida Hay'adda Sirdoonka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u dhexgaleen, islamarkaana u adeegsadaan argagaxisada.

Siyaasigan, oo kamid ah Musharaxiintii la tartamay Madaxweyne Farmaajo doorashadii 8-dii February 2017, marna soo noqday Wasiir ayaa dhawaan ka tegay Muqdisho kadib markii laga qaadey xayiraadii dhanka safarka.

Dowladda Federaalka ayaa lagu eedeeyay inay si gaar ah u bartilmaameedsato Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo xubnaha katirsan Xisbigiisa, oo qaar isaga uu kamid yahay ay xabsiga dhigtay dhawaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM