​Ceelbaraf: AMISOM oo Madaafiic lagu weerar

Image

CEELBARAF, Somalia- Al shabaab ayaa weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaadey saldhigga ciidamada AMISOM ee deegaanka Ceelbaraf, ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Dadka deegaanka Ceelbaraf ayaa sheegay in dhowr madaafiic ah ay ku dhaceen gudaha fariisinka ciidamadda Burundi ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Ma cadda Khasaaraha madaafiicda ay geeysteen.

Al shabaab ayaa sheegatay in tiro askar ah ku dileen weerarka ka dhanka ah fariisinka ciidanka Burundi ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Somalia.

AMISOM kama aysan hadlin weerarka deegaanka Ceelbaraf, oo qiyaastii 30KM dhanka Koonfureed ka xiga degmada Mahadaay, ee gobolka Shabeellaha dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM