CIA oo is-hor-taagtey qorshe ka dhan ah Fahad Yaasiin

Image
Soojeedintan ayaa lagu waramay in kalkii hore ay ka timid saraakiil Ameerikaan ah.

WASHINGTON, USA – Hay’adda sirdoonka dibadda Mareykanka ee CIA ayaa is-hor-taagtey qorshe cunaqabateyn lagu saari lahaa Fahad Yaasiin Daahir, taliyihii hore ee hay’ada sirdoonka Soomaaliya haddana ah lataliyaha ammaanka qaranka.

Sida ku xusan warbixin ay daabacdey majaladda New York Times, qorshahan waxaa gudbiyey saraakiil Ameerikaan ah. "CIA waxay ka hor-timid fekradaas ayada oo xeerineysa dano la xiriira la dirirka argagixisada," ayay raacisay warbixinta.

Warbixinta oo soo xiganeysa mas'uuliyiin reer Galbeed ah ayaa intaas ku dareysa in talaabadaas ay ku riixdey madaxda Soomaalida in ay qaataan fekrad qaldan oo ku aadan waxa ahmiyada koowaad u ah xukuumadda Washington.

"Isma lahan waxay ay afka ka sheegayaan iyo ficiladooda. Guud ahaantii waa wax lagu jahwareero," ayuu yiri mid kamid ah madaxda Soomaalida, sida laga soo xigtay qormadda.

Fahad oo madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo ka caawiyey Febraayo, 2017-kii in uu hogaanka dalka ku guuleysto ayaa lagu eedeeyay in uu mas'uul ka yahay xasarado siyaasadeed iyo Khalkhal amni oo dalku wajahay.

"CIA, dhanka kale, waxay la daalaadhaceysaa in ay iska fogeyso jahwareerka siyaasadeed ee ku gedaaman Fahad Yaasiin, oo ah xulafo muhiim u ah," ayay qoreyaasha NYT tibaaxeen.

Farmaajo iyo Fahad ayaa lagu eedeeyay in ay isku dayayaan in ay Soomaaliya dib ugu celiyaan nidaam xukun kalitalisnimo ah. Mucaaradka wuxuu tibaaxay muddo kororsigii labada sano ee dalka qarka u saarey colaad sokeeya ay wada qorsheeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM