Ciidamada AMISOM oo duqeeyay Janaale

Image

JANAALE, Somalia- Ciidamada AMISOM ayaa Xalay Duqeyn ka geysatay deegaanka Janaale, ee gobolka Shabeellaha Hoose halkaasi oo ay ku sugan yihiin Malleeshiyaad katirsan Ururka Al Shabaab.

Dhowr Hoobiye oo laga tuurey saldhiga AMISOM ee deegaanka Buufow ayaa ku dhacay Xaafado kamid ah Janaale, waxaana ay geesteen khasaarooyin isagu jira dhimashao iyo dhaawac shacabka gaarey.

Wararka aan ka helnay Janaale ayaa sheegay in ugu yaraan 3 ruux oo shacab ah ay ku dhimatay Duqeynta, iyadoo ay jiraan dad kaloo dhaawacyo kala duwan kasoo gaarey kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka Janaale.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaafiic ay ku dhaceen Tuulada Abanaana, oo ku dhaw Janaale.

Tuulooyinka ku yaallo inta u dhaxaysa Janaale iyo Shalanbood, ayaa waxaa inta badan ka dhacay weeraro iyo dagaallo u dhaxeeya Al Shabaab iyo ciidamada AMISOM oo fariisamo ku leh Buufow.

AMISOM wali wax war ah kama soo saarin Duqeynta Janaale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM