Ciidamada AMISOM oo ka baxay deegaanno muhiim ah

Image

March 25, 2015 (GO)- Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM ayaa maanta ka baxay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Ka bixitaanka ciidamada ee deegaanadaas waxaa xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidi.

Siidi oo waraysi gaar ah siiyey idaacadda VOA wuxuu sheegay in deegaanadaas oo dhaca goobo istaraatiiji ah ay kamid yihiin: Aw-dheegle, Bariirre iyo Sabiib.

Mar la weydiiyey sababta wuxuu sheegay in saraakiisha ciidamada AMISOM sheegeen in qorshahani yahay mid in muddo ah soo socdey, Dolwadda Federaalka iyo AMISOM-na horay ugu heshiiyaan in deegaanadaas lagu wareejiyo ciidamada dowladda.

Qaar kamid ah goobihii ciidamada Itoobiya ka baxeen waxaa isla maanta la wareegey mileeshiyaadka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM