​Ciidamada dawladda oo Howlgal ka sameeyay Degmada Jalalaqsi

Image

JALALAQSI, Somalia - Ciidamada dawladda Federaalka Somalia iyo kuwa Jabuuti, ee qeybta ka ah AMISOM, ayaa Howlgal amni ka sameeyay saaka Xaafadaha degmada Jalalaqsi, ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in howlgalka uu yahay mid amniga lagu xaqiijinayo, islamarkaana looga hortagayo weerarada Al shabaab ay qorsheynayso inay bisha Ramadan ka fuliso Degmadaasi.

Ciidamada ayaa sidoo kale ku baahiyay howlgalkooda deegaanno kuu dhaw Jalalaqsi, ooo shalay Al-shabaab madafiic uga soo tuureen degmada, waxaana ay kusoo qabteen Tiro dad ah oo laga shakiyay.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Howlgallada Ciidanka ay saameyn ku yeesheen Isku-socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha mudo saacado ah, inkastoo markii dambe si caadi ah kusoo laabteen.

Weerarka Madaafiicda ay shalay Al Shabaab ku qaadey Jalalaqsi ayaa keenay inay Ciidamada qaadaan Howlgalkan, waxayna Saraakiishu sheegeen inay sii wadi doonaan Howlgallada lagu sugayo amaanka.

Degmada Jalalaqsi waxay kamid tahay degmooyinka ay Al shabaab go'doomisay 2014, markii laga soo saarey, si ay cunaqabateyn u saarto Ciidamada Dawladda iyo kuwa Jabuuti, kadibna uga soo baxaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM