Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM oo la wareegey Baraawe

Image

October 5, 2014 (GO)- Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa saaka la wareegey gacan ku haynta degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidamada isbahaysanayaa magaalada waxay ku galeen si nabad ah kadib markii kooxda Al-shabab labo maalmood kahor isaga baxday.

Baraawe waa xaruntii ugu dambeysey ee Al-shabab, waana magaalo xeebeed istaraatiiji ah dhaqaale xooganna ay ka heli jireen.

Awoodda Al-shabab ayaa u muuqata inay sii baa ba'ayso wixii ka dambeeyey markii la diley hogaamiyahoodii hore Axmed Cabdi Godane oo Maraykanku bil kahor duqeyn cirka ah ku khaarijiyeen.

Afar maalmood kahor, ciidamada Puntland ayaa ku guuleystey inay Al-shabab ka saaraan dhammaan fariisimihii ay ku lahaayeen buuraha Golis gaar ahaan Galgala iyo deegaanada ku xeeran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM