Ciidamada DF oo guul ka sheegtay dagaal ka dhacay Hiiraan

Image

December 5, 2015 (GO)- Militeriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in 13 ka tirsanaa dagaalyahannada Kooxda Al-shabaab lagu diley dagaal gelinkii dambe ee shalay [Jimce] ka dhacay duleedka magaalada Beledweyn.

Taliyaha Ciidamada Aagga Hiiraan, Maxamed Cumar ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Xinhua in ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya AMISOM ay khasaaro xooggan gaarsiiyeen Al-shabaab, dibna uga riixeen goobihii lagu dagaalamay.

Dagaalka oo sida taliyuhu sheegay ahaa mid culus waxaa dhanka ciidamada huwanta uga dhaawacmay todoba askari.

"13 ayaan ka dilnay kooxda nabad-diidka ee Al-shabaab...dhankeena waxaa dhaawacmay todoba askari" ayuu yiri.

Gobolka Hiiraan oo kamid ah gobollada ugu wax-soo-saarka badan dalka, waxaa qaybo kamid ah weli gacanta ku haya Al-shabaab.

Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa bilihii u dambeeyey wadey hawlgallo mileeshiyaadka Al-shabaab looga sifeynayo Hiiraan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM