Ciidamada DF oo qabtey labo sarkaal oo Al-shabab ka tirsan

Image

March 26, 2015 (GO)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisey inay gacanta ku dhigtey labo sarkaal oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Af-hayeenka xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa sheegay in labada nin Al-shabaab u qaabilsanaayeen hawlgallada dilka iyo qaraxyada ee ka dhaca gobollada Shabeellada Hoose iyo Banaadir.

Labada nin waxaa lagu kala magacaabaa Gallad Cabdi Warame  oo ka hawlgelayay gobolka Shabeellada Hoose iyo Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Af-weyne oo isna ka hawlgelayey gobolka Banaadir.

"ragga nocan oo kale ah in lasoo qabto waa guul weyn waxayna  muujinaysaa in waaxyaha amniga ee dowladdu shaqadii loogu tagala galay gudanayaan" ayuu yiri.

Dhanka kale, Ridwaan Xaaji Cabdiweli wuxuu ka hadlay ka bixitaanka ciidamada AMISOM ee qaybo ka mid ah gobolka Shabeellada Hoose isagoo sheegay in qorshahaasi ahaa mid Dowladda Federaalka iyo taliska AMISOM isla ogyihiin.

Qabashada saraakiishan ka tirsan Al-shabaab ayaa kusoo aadeysa labo todobaad kadib markii duqeyn diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanku fuliyeen lagu diley sarkaal lagu magacaabi jirey Axmed Garaar, kaasoo ka tirsanaa garabka amniga iyo sirdoonka Al-shabaab (Amniyaadka) una qaabilsanaa qorsheynta weerarrada ka dhacaya meelaha Soomaaliya ka baxsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM