Ciidamada Dowladda Federaalka oo Baardheere ku wajahan

Image

March 20, 2015 (GO)- Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ay kaabiga ku hayaan degmada Baardheere, halkaaso xilligan ururka Al-shabaab uu ka arimiyo.

Taliyaha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji ayaa sheegay inay qorsheynayaan sidii ay dhowaan degmada Baardheere ugala wareegi lahaayeen Al-shabaab, isagoo xusey in deegaannada kale ee weli Shabaabku arrimiyaanna sida ugu dhaqsaha badan loo xoreyn doono, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"waan xoreynaynaa Inshaa Allaah Baardheere iyo deegaanada kale ee weli Al-shabaabku ku sugan yihiin sida ugu dhaqsaha badan " ayuu yiri.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa dhankooda ku jira diyaar garow xoggan waxayna boqollaal ciidamadooda ka tirsan isugu keeneen Baardheere iyo deegaanada hoos taga.

Madaxda maamulka Jubaland ayaa dhowr mar oo hore sheegay in sanadkan gudihiisa Al-shabaab ay ka saari doonaan dhammaan deegaannada ay kaga sugan tahay gobollada Jubada Dhexe, Jubbada Hoose iyo Gedo.

GAROWER ONLINE

 

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM