Ciidamo Ajnabi ah oo Al shabaab kala wareegay Deegaanka Bariire

Image

BARIIRE, Somalia - Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM, oo garab ka helaya Militariga Mareykanka ayaa saaka dagaal kula wareegay Deegaan ay Kooxda Al shabaab gacanta ku haysay, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose, ee Koonfurta dalka Somalia.

Axmed Ibraahim, oo ah Sarkaal katirsan Ciidamada Xoogga dalka, oo ku sugan gobolka ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in ciidamada huwanta ay qabsadeen Deegaanka Bariire, oo qiyaastii 60KM dhanka Waqooyiga Galbeed uga beegan magaalada Muqdishu.

Ciidamo Mareykanka ah, oo watay Diyaaradaha qumaatiga u kaca, ee Helicpters-ka ayaa dusha uga daatey duleedka deegaanka, kahor intasa aysan dagaalka la gelin dagaalyahanada Al shabaab, iyadoo dhanka dhulkana ay ka weerareen Ciidamada dowladda Federaalka iyo AMISOM.

Lama ogga Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay dagaalka Bariire, balse dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in Deegaanka gudahiisa ay ka socdeen Howlgalo baaritaano ah oo ay sameynayaan Ciidamada oo baaraya hub iyo walxaha qarxa oo ay ka carareen Al shabaab.

Bishii May billowgeeda, Askari katirsanaa Neavy SEAL, oo ah Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Mareykanka ayaa lagu dilay howlgal ka dhacay Bariire, iyadoo dilka Askarigaasi kadib ay socdeen dedaallo Al shabaab halkaasi looga saarayo.

Dilka Askariga Navy SEAL-ka oo lagu magacaabi jiray Kyle Milliken, oo 38 jir ahaa ayaa noqday midkii ugu horeeyay oo gudaha Somalia loogu geesto Askari u dhashay Mareykanka tan iyo sanadkii 1993, oo 18 Askari lagu dilay Muqdishu xilligii uu socday Howlgalka Rajo soo celinta (Operation Restore Hope).

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM