​Ciidamada Dowladda oo dagaal kula wareegay Deegaan cusub

Image

QORYOLEY, Somalia - Ciidamada dowladda Federaalka Somalia ee ka howlgala gobolka Shabeellaha hoose ayaa dagaal kula wareegay  deegaanno horleh oo ku yaalla nawaaxiga degmada Qoryooley.

Taliyaha Ciidanka Booliska Saldhiga degmada Qoryooley, Cali Maxamed Aadan (Cali Waal), ayaa xaqiijiyay in Al shabaab laga saarey Tuulooyinka kala ah, Xero labaad, Bandar, Farxaano, Dharsheenley.

Cali Waal ayaa intaasi ku daray in Howlgalka lagula wareegay Tuulooyinkan ay ku dileen 4 dagaalyahan oo kamid ahaa Al shabaab, labo kalena ay nolosha kusoo qabteen.

"Shalay waxaan qabsaney 3 Tuulo, maantana labo kale, waxaana Ciidamada ay dileen 4 Al shabaab ah, 2 kalena nolosha ayaa lagu soo qabtey iyaga iyo hubkooda, iyo saanad ciidan oo raashiin uu kamid yahay," ayuu yiri Cali Waal.

Tuulooyinkan waxay 6KM u jiraan degmada Qoryooley, oo Ciidamada dowladda iyo AMISOM la wareegeen sanadkii 2014-kii, xilligii uu socday Howlgalkii loogu magac-darey Badweynta Hindiya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM