Ciidamada Dowladda oo deegaan Muhiim ah kala wareegay Al-Shabaab

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Federaalka Soomaalia [DANAB], ayaa fuliyay howlgal qorsheysan, oo ka dhan ah Kooxda Al Shabaab ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka aan helayno ayaa sheegay in Ciidamada DANAB ay Al Shabaab kala wareegeen deegaan lagu magacaabo Gamboole, oo ku yaalla duleedka magaalada Jowhar, ee xarunta KMG u ah maamulka HirShabeelle.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in gacan ku heynta Gamboole lagala wareegay Al Shabaab, oo ay hadda ku sugan yihiin Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa DANAB oo dhawaan gobolkaasi la geeyay.

Saraakiisha Al Shabaab ayaa saaka kula balansanaa deegaanka Gamboole Ganacsatada gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ay kala hadli rabeen arrimo la xiriira bixinta canshuuro laga doonayo goobahooda Ganacsiga.

Dagaalyanada Al Shabaab ayaa faarujiyay deegaanka, kahor inta aysan soo gelin Ciidamada mana jirin wax dagaal ah oo ka dhacay, sida uu Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay Sarkaal katirsan maamulka degmada Jowhar.

Cabsi ayaa soo wajahday dadka deegaanka, oo ka baqdin qaba in Al Shabaab ay kusoo laabato, islamarkaana dushooda ku dagaalamaan labada dhinac, oo hadda ku jira diyaar garow, iyadoo Al Shabaab ay isku aruursanayaan duleedka Gamboole.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM