Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Image

KUDHAA - Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubka Danab, oo kaashanaya ciidamada Jubbaland, ayaa soo afjaray dagaal ay la galeen Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa warbaahinta u soo bandhigay meydadka tiro badan oo ka mid ah Al-Shabaab, oo ay ku jiraan horjoogayaal lagu dilay dagaalka, kaas oo bilowday waaberigii hore ee shalay isla markaana la soo afjaray saakay.

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, kadib markii lagu jabiyay dagaalka oo ay ciidamada ku hareereeyeen goobta.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in cadowga si buuxda loo ciribtiray, isla markaana meydadkooda lagu soo bandhigay goobta dagaalka.

Kudhaa waxay 70km dhanka koonfur galbeed ka xigtaa Kismaayo, waana deegaan xeebeed ku yaala badweynta Hindiya, oo dhowr jeer Al-Shabaab soo weerartay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muuqaallada Hollywood ma dhisi karaan mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed?

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku soo koray dal aysan ka jirin nidaam…

  • Soomaliya

    01-09-2026

  • 01:38PM

Soomaaliya : Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta oo xoojinaya iskaashiga hubka

Laba ilo-wareed oo Maraykan ah ayaa WSJ u xaqiijiyey in Maraykanku fuliyey weerarka.…

  • Soomaliya

    01-09-2026

  • 11:35AM