Ciidamada Dowladda oo dib ula wareegey Guriceel

Image

December 15, 2014 (GO)- Boqollaal ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka ayaa lagu soo waramayaa inay maanta si nabad ah kula wareegeen degmada Guriceel ee gobolka Galguduud.

Wararka ayaa intaas ku daraya in mileeshiyada Ahlu Sunna ay magaaladaas isaga baxeen saacado kahor markii ay ka war heleen ciidamada dhankooda usoo wajahan una carareen dhanka deegaanka Xeraale.

Saddex maalmood kahor ayey ahayd markii mileeshiyaad ka tirsan Ahlu Suna la wareegeen gacan ku haynta Guriceel kadib dagaal dhex maray iyaga iyo ciidamo kuwa dowladda ka tirsan oo halkaas horay u joogey.

La wareegista ciidamada Dowlada Federaalka ee degmada Guriceel ayaa kusoo aadeysa maalin kadib markii xabad joojin la kala dhex dhigay dhinacyadii muddada dhowrka beri ah halkaas ku dagaalamayey.

Dagaallada kasoo cusboonaaday Galguduud ayaa salka ku haya dhismaha maamulka gobollada dhexe iyo qorshe la doonayo in lagu qarameeyo mileeshiyaadka maamulka Ahlu Sunna oo isagu horay qaybo badan oo kamid ah gobollada dhexe uga arimin jirey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM