Ciidamada dowladda Federaalka Somalia oo Howlgallo ka sameeyay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Howlgal ballaaran, oo lagu xaqiijinayo amniga Muqdishu, ayaa saaka ka dhacay qeybo ka tirsan magaalada, kuwaasi oo lagu soo qabtey dhalinyaro looga shakiyay inay yihiin Al shabaab.

Ciidamada oo isagu jira Boolis iyo Nabad Sugida ayaa xiray Wadooyinka KM4, Tarabuunka, Wadada Wadnaha, Jidka 30-ka iyo Warshadaha, waxaana ay hakad geliyeen Gaadiid dadweynaha inta uu socday howlgalkooda.

Howlgalka oo qeyb ka ah Barnaamijka Xukumadda ay ugu magac-dartey Xasilinta Caasumadda, ayaa waxaa lagu soo qabtey hub, walxaha qarxa iyo dhalinyaro badan, oo looga shakiyay inay katirsan yihiin Al shabaab.

Ciidanka waxay baareen guryo ku yaalla dhowr Xaafadood, waxaana ay kasoo qabteen dad badan, oo markii dambe meel banaan ah  isugu geeyay iyagooo ka xiran indhaha, kuwaasi oo markii uu howlgal dhamaadey loo qaadey Xarunta Dembi-baarista CID-da.

Waa Wajigii labaad, ee howlgalka Xasilinta Caasumadda, oo loogu talo galay in looga hortago weerarada Al shabaab, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan-ka, oo labo mareysa Maanta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM