Ciidamada dowladda Somalia oo ka baxay Ceel-Baraf

Image

CEEL BARAF, Somalia- Ciidamada militariga dowladda Somalia ayaa isaga baxay deegaanka Ceel-Baraf ee gobolka Shabeellaha dhexe, iyadoo durba ay la wareegeen malleeshiyada kooxda Al shabaab.

Wararka aan helayno goobtaas ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ka baxeen Ceel-Baraf saakay aroortii, iyagoo u ruqaansaday dhanka degmada Mahadaay, oo ay ku sugan yihiin ciidamo katirsan AMISOM.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Al shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Ceel-Baraf, sidoo kalena ay boqolaal qof meel fagaaro ah kula hadleen.

Al shabaab ayaa hore u qabsatay deegaankaasi dhowr jeer, inkastoo markii dambe laga saarey.

Saraakiisha Ciidanka Militariga DFS ee gobolka Shabeellaha dhexe, oo aan la hadalnay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan ka bixitaanka ciidankooda ee deegaanka Ceel-Baraf, oo ku yaalla duleedka degmada Mahadaay.

Tallaabadan ayaa timid xilli dowladda cusub ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay sheegtay in ururka Al Shabaab dalka looga saari doono Muddo labo sano ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM