Ciidamada Ethiopia ee qaybta ka ah AMISOM oo imaanaya Jubaland

Image

December 18, 2014 (GO)- Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa la qorsheeyey in la geeyo qaybo kamid ah gobollada Jubbooyinka.

Qorshaha ciidanka Ethiopia  lagu geynayo Jubooyinka waxaa lagu sababeeyay laba arrimood oo kala ah:  inay bedelaan ciidamada Sera Leone ee joogey Jubbooyinka oo dhowaan dalka ka baxaya iyo weliba inay la dagaalamaan Al-shabaab oo awoodeeda gobolladaas isugu keentay.

Madaxweynaha maamulka Jubaland oo booqasho labo todobaad qaadatay dhowaan ku tegey dalka Ethiopia ayaa wasiirka arimaha dibadda Ethiopia lasoo saxiixday heshiis ku saabsan ciidamada la filayo inay dhowaan dalkaas ka yimaadaan, sidoo kale taliska guud ee AMISOM ayaa ogolaaday qorshahan.

Hawlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee loogu magac daray xoreynta bad iyo bari oo ay bilo kahor bilaabeen ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa Kenya oo is garabsanaya ayaan wax horumar ah oo balaaran laga sameyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM