Ciidamada Ethiopia iyo kuwa DFS oo la wareegay deegaanka Halgan

Image

HALGAN, Somalia- Ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda Federaalka Somalia, ayaa maanta dib ula wareegay deegaanka Halgan, ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay isaga baxday Kooxda Al shabaab.

 Ciidamada iskaashanaya, ayaa ka galay Halgan dhowr jiho, waxaana ay si buuxda gacanta ugu dhigeen guud ahaan deegaanka, iyagoo aan la kulmin wax iska-caabin ah dhinac malleeshiyada Al shabaab.

Al shabaab ayaa faarujiyay deegaanka habeenkii xalay, kadib markii ay ka warheleen inay kusoo wajahan yahay duulaan xooggan, waxaana ay u ruqaansadeen deegaannada kale ee ku dhaw Halgan.

Ciidamada Ethiopia ayaa ka baxay Halgan 7 bilood kahor OCTOBER 2016, waxaana ku laabashadooda ay kusoo aadaysaa xilli maanta Madaxweyne Farmaajo u safray magaalada Addis Ababa.

Kooxda Al shabaab ayaa dhawaan la wareegtay deegaanno badan iyo degmooyinka ay kamid tahay degmada Ceelbuur, ee gobolka Galgaduud oo dhawaan ay kasoo baxeen ciidamada Ethiopia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM