​Ciidamada Ethiopia oo ka baxay Halgan iyo Al Shabaab oo la wareegtay

Image

HALGAN, Somalia- Malleeshiyada Ururka Al Shabaab, ayaa Saakay oo Axad ah dib ula wareegay deegaanka Halgan, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Ethiopia, ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa (AMISOM).

Wararka aan ka helayno Ilo-wareedyo ku sugan Halgan, ayaa sheegaya in Al Shabaab ay dagaal la'aan kula wareegeen deegaanka, markii ciidamadii Ethiopia ee joogay ay Xalay saqdii dhexe faarujiyeen saldhigyadooda.

Deegaanka Halgan, oo qiyaastii 75KM dhanka Koonfureed uga beegan magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa dhowr jeer oo hore uga dhacay weeraro Al shabaab ku qaadeen AMISOM.

"Boqolaal Dagaalyahan oo Al shabaab katirsan ayaa lagu arkay saakay gudaha deegaanka, waxaana ay ku sugan yihiin oo calankooda ka taageen saldhiga Booliiska iyo xarunta maamulka Halgan," Ayuu yiri qof deegaanka ku sugan oo la hadlay GO.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay AMISOM oo ku aadan sababta ay uga soo baxeen Tuulada Halgan.

Mallayshiyaadka Al Shabaab, ayaa deegaanada ay la wareegaan, waxay ku qisaasaan shakhsiyaad katirsan shacabka oo ay ku eedeeyaan inay xiriir la leeyihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM