Ciidamada Ethoipia oo ka baxay Ceelbuur iyo Al Shabaab oo qabsatay [Dhagayso]

Image

CEELBUUR, Somalia - Wararka aan ka helayno gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in malleeshiyaad katirsan Al shabaab ay la wareegtay degmada Ceelbuur kadib markii ay saaka faarujiyeen ciidamada Itoobiya.

Gudoomiyaha maamulka Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Kooxda Al shabaab ay si buuxda ula wareegtey gacan ku heynta degmada, iyadoo aan wax dagaal ah dhicin.

Nuur ayaa sheegay in aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambaysa in ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM kasoo baxeen magaalada Ceelbuur, balse waxa uu xusay inay arintaasi ka xun yihiin maamul ahaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa maamulayay degmada Ceelbuur tan iyo 2013-kii.

Al shabaab ayaa la sheegay inay sidoo kale la wareegeen deegaanno ku dhaw degmada oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada dowladda.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Somalia iyo taliska AMISOM oo ciidamadan hoos yimaadaan.

Inta badan Xarakada Al Shabaab ayaa gacanta ku dhiga goobaha ay ka baxaan ciidanka dowladda, waxaana arrintaas dhibaato kala kulma dadka shacabka ah oo inta badan Shabaab ku dhibaateeyaan inay gacan saar la lahaayeen dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM