Khasaaro ka dhashay dagaalka Mudug

Image

Khasaaro kala duwan ayaaa kasoo baxaya dagaalka saaka waabarigii hore ka dhacay deegaanka Ceel-Cadde oo qiyaastii 35 KM u jirta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyay waxaa dhintay 5 qof 10 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan, waxaana dagaalku u dhaxeeya mallayshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada maamulka Galmudug.

Dadka dhintay, iyo kuwa dhaawacmay ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen dhinacyadii dagaallamay.

Sarakiil ka tirsna maamulka Galmudug, ayaa sheegay in dagaalka ay ciidamadooda qaadeen.

Warar madax banaan oo aan ka helayno deegaanka dagaalku ka dhacay, ayaa sheegay in ciidamada weerarka qaaday isaga soo laabteen, kadib markii ay iska caabin xooggan kala kulmeen dhinaca Al-Shabaab.

Xaaladda deegaankii lagu dagaallamay, ayaa wali xiisad laga soo sheegayaa, iyadoo ciidamadii Galmudug ee deegaankaasi weeraray ay ku sugan yihiin meel aan ka fogeyn halkii lagu dagaallamay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM