Ciidamada Jubaland iyo AMISOM oo la wareegey Buulo Guduud

Image

October 6, 2014 (GO)- Ciidamada Maamulka Jubaland iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegey deegaanka Buulo Guduud ee gobolka Jubbada Hoose oo magaalada Kismaayo 30-km dhanka waqooyiga ka xigta.

Ciidamadan oo watey dabaabado iyo gaadiidka kale ee dagaalku goor hore oo maanta ah ayey ka ruuqaansadeen dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubaland.

Sida wararka lagu helayo ma jirto wax iska caabin ah oo ciidamadaasi la kulmeen maadaama  Al-shabab markii ay ka warheleen in duulaan lagu soo yahay halkaas isaga baxeen una jiheysteen dhanka degmada Jamaame.

Af-hayeenka Jubaland Cabdinaasir Seeraar oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in Al-shabab lagala wareegey Buulo Guduud, wuxuuna intaas ku daray in hawlgalku sii socon doono ilaa inta si buuxda dhulka Jubalanad looga sifeynayo Al-shabab.

Shalay ayey ahayd markii Madaxweynaha Maamulka Jubaland Amxmed Maxamed Islaan sheegay inay bilaabayaan hawlgallo baahsan oo guud ahaan deegaanada uu maamulkaasi ka kooban yahay looga sifeynayo Al-shabab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Muqdisho oo xiray dhalinyaro lagu eedeeyay rabshado, mucaaradka oo cambaareeyay

Waxa uu sheegay in lix dhalinyaro ah loo xiray ka qeybgalka bannaanbax nabadeed ka dhacay magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-05-2026

  • 08:06AM

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo oo u dhexeeyay ciidanka DFS iyo kuwo taabacsan Laftagareen

Laftagareen ayaa xilka laga tuurey 30-kii Maarso 2026, kadib toddobaadyo ay jireen ismariwaayo siyaasadeed iyo isku hor imaadyo militari.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:28AM