Ciidamada Jubbaland oo Al-Shabab ka saaray deegaano hor leh

Image

October 25, 2014 (GO)- Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa nabad ilaalinta AMISOM ee jooga Jubbooyinka ayaa Al-Shabaab ka saaray deegaano hor leh oo katirsan Jubbada Hoose.

Goobaha ay ciidamada huwantu la wareegeen waxa ka mid ah tuulada Cabdalla Biroole oo galbeedka Kismaayo kaga beegan una jirto masaafo dhan 60km.

Tuulada Cabdalle Biroole waxaa mudo badan gacanta ku hayay kooxda Al-Shabaab ayadoo marar badan dagaal ku dhex maray halkaas ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab. Wax iska caabin ah kalama aysan kulmin ciidamada huwanta dagaalyahanada Al-Shabaab waxana ay iskaga baxeen ka hor inta aysan soo gaarin ciidamada iska kaashanaya.

Madaxa hawlgallada galbeedka Kismaayo Iftiin Xasan Baasto ayaa GO u sheegay in qorshahoodu yahay  inay la wareegaan deegaanka Buulo Xaaji oo Biroole u jirta 20Km.

Dhanka kale ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo Jubbaland oo ka amba baxay Raaskeemboni ayaa u ruqaansaday Jasiirada Kudhaa oo ay gacanta ku hayso Al-Shabaab waxaana la filayaa in saacadaha soo socda magaaladaas ay gacanta ku dhigaan ciidamada Huwanta.

Sidoo kale ciidamadii ku sugnaa Buulagaduud ayaa u ruuqaansaday tuulooyin ku teedsan Baarsaguuni halkaasoo ay ka baadi goobayaan haraadiga kooxda Shabaab iyagoo dhanka kale  miinooyin ka saaray waddooyinka isku xira Buulagaduud ilaa Kamsuuma.

Hawlgaladaan hadda ka socda deeganada galbeedka kaga aadan Kismaayo ayaa imaanaya kaddib markii cutubyo ka tirsan ciidamada Maamulka Jubba dhowaan tababar loosoo gaba gabeeyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM