Ciidamada NISA oo xoog kula wareegay Madaxtooyada Cadaado

Image

CADAADO, Somalia- Ciidamo katirsanHay'adda Nabad Sugida Somalia ee (NISA), ayaa xoog kula kala wareegay Madaxtooyada maamulka Galmudug ee Cadaado, sida ay sheegayaan wararka soo gaaraya GO.

Ciidamada Gadoodsan ayaa waxaa hogaaminaya Taliyaha ciidamada NISA ee degmada Cadaado, oo lagu magacaabi Shariif, waxaana wararka ay sheegayaan inay Askarta ka cabanayaan mushaar la'aan.

Ciidamada ayaa kusoo rogay xayiraad dhaq-dhaqaaqa Madaxda sare ee Galmudug, oo uu kamid yahay Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Carabeey oo ay u diideen inuu ka baxo Madaxtooyada.

Wararka Warsidaha GO uu helayo ayaa sheegaya inay socdaan dedaallo lagu qancinayo ciidamada gadoodka ah, si ay uga baxaan xaruunta mdaxtooyada Galmudug, waxaana kulan uu u socdaa Taliyaasha ciidanka iyo Madaxda maamulkaasi.

Xaaladda Cadaado ayaa aad u cakiran maanta, kadib markii ciidamada ay hareeyeen Madaxtooyada.

Waa Gadoodkii labaad oo ciidamada ay ka sameeyaan Cadaado bilooyinkii ugu dambeeyay iyagoo ka cawanaya mushaar la'aan, iyo xuquuq kaga maqan dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM