Ciidanka Soomaaliya oo ka hayaamay degaan ay dagaal ku qabsadeen

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Ciidamadda kumaandooska Soomaaliya ayaa faarujiyey degaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose halkaasoo ay dagaal ugala wareegeen ururka Al-Shabaab, sidda ay sheegeen dadka degaanka.

Dadka degaanka oo lasoo xiriiriyey warsidaha Garowe Online ayaa tibaaxay in askarta ay u ruqaansadeen dhanka saldhiga Balidoogle ee gobolkaas.

"Waxaa ka cabsi qabnaa in Al-Shabaab ay dib ugu soo laabtaan degaanka oo ay xir-xiraan dhalinyaradda ama ay qaarkoodba dilaan sidda ay sameeyaan marka laga saaro degaan oo ay ciidanka baxaan," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka kaasoo sababo ammaan uga gaabsaday in uu magaciisa la baahiyo.

Saraakiil ka tirsan ciidamadda oo bogga GO la xiriiriyey si ay uga jawaabaan su'aallaha ku geedaaman bixitaankooda ayaanan ka jawaabin telefoonka.

Degaanka Leego ayaa qiyaastii 44 KM waqooyi wuxuu u jiraa degmadda Wanlaweyn taasoo 90 KM u jirta magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

Talaabadan ay haatan qaadeen ciidamadan ayaan ahayn mid cusub, balse waa mid soo noqnoqtay oo carqalad ku ah in si wax ku ool ah looga adkaado maleyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda argagixisada Al-Qaacida.

Maamulka Farmaajo ee waqtiga kasii dhacayo ayaa ku guuldareystay in uu ficil u bedelo balanqaadkiisii ahaa in uu dagaalka Al-Shabaab kusoo afjarayo muddo laba sano ah waana mid kamid ah guuldarooyinka uu gabalka ugu dhacayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM