Ciidamadda oo guulo ka sheegtay dagaal ay la galeen Al-Shabaab

Image
Yasoomane waa mid ka mid ah tuulooyinka ugu waaweyn ee dhawaan ciidanka iyo dadka degaanka qabsadeen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saaka ka dhacay gobolka Hiiraan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo garab ka helaya dadka degaanka iyo kuwa Al-Shabaab.

Isku-dhaca oo socday ku dhowaad in ka badan saacad ayaa ka dhacay deegaanka Yasooman oo qiyaastii 34km dhanka waqooyi bari kaga beegan degmada Buulobarde.

Yasoomane waa mid ka mid ah tuulooyinka ugu waaweyn ee dhawaan ciidanka iyo dadka degaanka qabsadeen. Khasaaraha lama oga. Balse, sheegashooyinka labada dhinac aaya aad u kala fog.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa ku warameysa in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay iska hor-imaad ku qaadeen weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Yasooman oo ay ku dileen 20 maleeshiyo ah, ayna ku dileen 3 askari.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ku dileen 117 ka tirsan ciidamada dowladda & kuwa deegaanka Yasooman & Beero-Yabaal. Sheegashada si madax banaan looma xaqiijin karo.

Wakaaladda wararka qaranka ee SONNA oo soo xiganaysa taliyaha ciidamadda Odowaa Yuusuf Ragage ayaa warisay in isku-dhacan ay ku khaarijiyeen ku dhowaad 50 xubnood oo kamid ahaa Al-Shabaab.

Gobolka Hiiraan ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay wuxuu xudun u ahaa halganka dadka degaanka ay kaga soo horjeedaan maleyshiyaadka Al-Shabaab kuwaasoo kacdoonkan ku waayey degaano badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM

DP World: "Xiisadda Soomaaliya iyo Imaaraadka ma saameyn doonto shaqada dekedda Berbera"

Xaaladdan ayaa timid ka dib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay gebi ahaanba xiriirkii iskaashiga u jartay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 01:37PM