Ciidamadda oo guulo ka sheegtay dagaal ay la galeen Al-Shabaab

Image
Yasoomane waa mid ka mid ah tuulooyinka ugu waaweyn ee dhawaan ciidanka iyo dadka degaanka qabsadeen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saaka ka dhacay gobolka Hiiraan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo garab ka helaya dadka degaanka iyo kuwa Al-Shabaab.

Isku-dhaca oo socday ku dhowaad in ka badan saacad ayaa ka dhacay deegaanka Yasooman oo qiyaastii 34km dhanka waqooyi bari kaga beegan degmada Buulobarde.

Yasoomane waa mid ka mid ah tuulooyinka ugu waaweyn ee dhawaan ciidanka iyo dadka degaanka qabsadeen. Khasaaraha lama oga. Balse, sheegashooyinka labada dhinac aaya aad u kala fog.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa ku warameysa in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay iska hor-imaad ku qaadeen weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Yasooman oo ay ku dileen 20 maleeshiyo ah, ayna ku dileen 3 askari.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ku dileen 117 ka tirsan ciidamada dowladda & kuwa deegaanka Yasooman & Beero-Yabaal. Sheegashada si madax banaan looma xaqiijin karo.

Wakaaladda wararka qaranka ee SONNA oo soo xiganaysa taliyaha ciidamadda Odowaa Yuusuf Ragage ayaa warisay in isku-dhacan ay ku khaarijiyeen ku dhowaad 50 xubnood oo kamid ahaa Al-Shabaab.

Gobolka Hiiraan ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay wuxuu xudun u ahaa halganka dadka degaanka ay kaga soo horjeedaan maleyshiyaadka Al-Shabaab kuwaasoo kacdoonkan ku waayey degaano badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM