​Ciidamado Howlgal dad badan lagu soo qabtay ka fuliyay Burhakabo

Image

BUUR-HAKABO, Somalia- Toboneeyo qof ayaa lagu qabtay howlgal ay ciidamada dowladda Federaalka Somalia iyo AMISOM ay ka sameeyeen degmada Buurhakabo ee gobolka Baay.

Saraakiisha maamulka degmada ayaa sheegay in ciidamada ay baaritaanno ku sameeyeen xaafado kala duwan, islamarkaana ay qabteen dad lala xiriirinayo Al shabaab.

Ciidamada SNA iyo kuwa AMISOM ayaa xiray wadooyinka waawayn, xilliga uu socday Howlgalka baaritaanada xaafadaha iyo Gaadiidka dadweynaha kala duwan.

Col Maxa'ed Isxaaq, oo ah sarkaal sare oo katirsan Booliska Buurhakabo ayaa u sheegay GO in dadka ay soo qabteen su'aalo ku waydiinayaan saldhiga degmada, ciddii dambi lagu helana maxkamad lasoo taagi doono.

Taliyaha ayaa sheegay inay socon doonaan howgallada noocan ah, si ay u sugaan amniga, kadib markii dhawaan lagu dilay Madax sare oo uu kamid yahay Gudoomiyaha maamulka Degmada.

Kooxda Al shabaab ayaa mudooyinkii dambe xoojiyay weerareeda kala duwan,  ee Koonfurta Soomaaliya, si ay u carqaladayso Doorashada socdo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM