Ciidamo arbushay banaanbax cadaalad loogu goobayey Ikraan

Image
Warbixinada ayaa intaas ku daraya in ciidanka ay xireen kadibna dhula ku jiideen saxafi ka qeyb-qaadanayey banaanbaxa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa awood ku joojiyey banaanbax cadaalad loogu goobayey Ikraan Tahliil Faarax oo si kooban uga qabsoomay isgoyska KM4 ee caasimadda Muqdisho.

Sida ay sheegayaan wararka, askarta oo ahaa cutubyo ka tirsan booliska ayaa xarig iyo jirdil isugu daray qaar kamid ah ka qeybgaleyaasha banaanbaxa oo badankooda ahaa dhalinyaro.

Warbixinada ayaa intaas ku daraya in ciidanka ay xireen kadibna dhula ku jiideen saxafi ka qeyb-qaadanayey banaanbaxa kaasoo lagu magacaabo Bashiir Maxamuud wallow xorriyadiisa uu dib u helay.

Dadka waxyeelada kasoo gaartey rabshada ciidamadda waxaa kamid ah Axmad Garaar oo ah hoggaamiyaha garabka dhalinyarada Xisbiga Wadajir, sida uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Warsame oo qudhiisa ah musharax madaxwayne iyo hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga wuxuu ku caddeeyay in uu aad uga xun-yahay falkaas.

"Waxaan si xoog leh u cambaaraynayaa xadgudubka ay ciidanka booliska u geysteen dibad baxayaasha ka dhiidhiyey dilkii Ikraan Tahliil, gaar ahaan wariye Bashiir Maxamad oo ka tirsan warbaahinta Goobjoog iyo Axmad Garaar oo ah hoggaamiyaha garabka dhalinyarada Xisbiga Wadajir. Hay’adaha Amniga weli waxay ku shaqeeyaan dhaqan kala talis," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Raysalwasaare Rooble waxaa looga fadhiyaa in uu tilaab ka qaado kuwa xadgudubka ku kacay, hay’adaha amnigana ka sifeeyo dhaqanka caburrinta ee sanadihii la soo dhaafay lagu carbiyey".

Isu-soo-baxaan ayaa yimid xilli ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble uu 48-saacadood u qabtey madaxa hay'ada sirdoonka Fahad Yaasiin Daahir in uu warbixin rasmi ah uga soo gudbiyo mustaqbalka haweenaydda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM